Waxsoosaarka Thailand oo noday mid Africa aad looga yaqaan loogana jecelyahay

Thailand marka hore waa wadan kaalinta koowaad uga jira dunida dhinaca horumarka caafimaadka iyo wax soo-saarka ganacsiga, waa wadanka ku guuleystay daaweynta cuduro fara badan oo halis ah, ku waas oo ay adagtahay in lagu daaweeyo aduunka intiisa kale. Waa wadan qofka bukaanka ah meel kasta ka qancinaayo hadii ay ahaan laheyd qiimaha caafimaadka oo aad uga jaban wadamo badan sida Jarmalka, Hindiya iyo Malaysia, tankale waxow sii dheeryahay caafimaad aad u tayo wanaagsan oo la aaminay laguna diirsaday.
Waxaa kaloo laga helaa baaritaano caafimaad oo dhameystiran kuwaas oo loogu tala galay cid walibo oo aan jiro ama cudur isku ogeyn balse doonayso in ay si fiican u hubiyaan caafimaadkooda, baaritaanadaan waxaa loo yaqaanaa (full medical checkup), waana baaritaano ay qasabtahay in qofwaliba sameeyo ugu yaraan sanadkiiba hal mar sida quburada caadimaadku sheegtay, taas oo kalsoonina gelineyso una fududeyneso qof-kasta lasocoshada caafimaadkiisa,
Qofka waxaa laga baarayaa waxa cudur dadka ku dhaco oo dhan ayidoo labaarayo xubna jirkaada oo dhan kadibna waxaa lagu siinayaa natiijooyinkii baaritaanka oo idil wax-kayar saacad barkeed, hadii wax cudur ah soo baxaanna islamarkiiba waa laga daaweynayaa.
Wadankaan dhakhaatiirta wax daaweyso dhamaantood waxey wax ku soo barteen wadanka mareykanka, waxeyna laysan dhakhtarnimo ka heystaan mareykanka taas oo micnaheedu tahay in ay daaweyn karaan cidwaliba oo kaga timaado dunida dacaladeeda, tankale xataa isbitaaladu waxey haystaan laysan ama ogalaansho aqoonsi caalamiyeed taas oo ow bixiyo urur caalami ah oo mareykana, kaasoo baaro tayada caafimaad ee isbitaalada doonayo aqoonsi caalami ah kadibna siiyo shati ama ogolaansho caalami ah. Urukaan waxaa magiciisa loo soo gaabiyaa JCI (joint commission International) islamarkaana waxow sanad waliba ku sameeyaa isbitaalada kontorool ku saabsan hadii ay wax iska badeleen tayada caafimaadka.
Wadankaan waxow kugu soo jiidan karaa waxyaabo badan. Sida caafimaad tayo iyo qiima jaban, soo dhoweyn, adeeg hufnaan, xushamad, iyo qadarin ay kuu fidinayaan dhamaan shaqaalaha isbitaalada, maciishada aad u jaban iyo guryo kiradeedu jabantahay, meel aad ku cibaadeysato iyo cunto xalaal ah oo aad ka heleyso isbitaalka gudihiisa iyo dibadiisaba.wadankaani waa wadanka kuxiga shiinaha xaga warshadaha wax soo saarka iyo dalaabaadka ganacsiga. Wadankaan wax soo saarkiisa ganacsiyeed waxaa ku tiirsan aduun weynaha oo idil, soomaaliduna aad ayay u yimaadaan waxaana ku yaalo shirkado ay soomaali leedahay hadii ay ahaan laheyd xawaalad ama kuwo alaabtaada kuu geeyo halka aad dunida ka dooneyso. Waxaa jira dad fara badan oo wadankaan markiisii hore u yimid caafimaad kadibna ay uga baxday il ganacsi hadana ganacsi u yimaado.
Hadaba anagu waxaan diyaar kuula nahay in aan si hagar la’aan ah kuugu fududayno baahidaada xaga caafimaadka ama ganacsiga ee halkaan uga baahantahay.













