Alle-Megan medical and business assistance services ltd (AMMBAS)

Waxaa dhamaan la idinkugu bishaareynayaa in dhowaan laga hirgaliyay wadanka Thailand adeeg idiin sahlayo in aad si fudud ku imaataan iskuna daaweysaan wadankan Thailand, adeegaas oo ay kaa caawinayaan quburo aad ugu xeeldheer baahidaada caafimaad, kuwaas oo ku midoobay magacaan: Alle- Megan medical and business assistance services ltd (AMMBAS)Thailand. Alle Megan waxa kuugu diyaar ah dad quboro ah oo mudo dheer deganaay wadankaan kuwaas oo qibrad dheer u leh shaqada ay qabanayaan.

Hadaba hadii aanu nahay bahda Alle Megan waxaan kugu wargelineynaa Meelkasta oo aad adduunka kajoogtid haddii ay noqon lahayd waddamada Carabta, Yurub , America ama Afrika in aan kuu diyaarinay sidii aad u heli laheyd adeeg caafimaad oo casri ah. Adeegaan caafimaad oo boqoli kiiba boqol aad ugu diirsaneyso hadii aad tahay bukaan ama aad dooneyso in aad hubiso caafimaadkaada, adigoo sameynayo baaritaanno caafimaad oo dhameystiran.

Waxyaabaha aan kaa caawineyno waxaa kamid ah:

1. Qiimeynta bukaanka jiradiisa iyo ugudbinta isbitaalka takhasuska u leh jiradiisa inta uusan imaanin dalka Thailand

2. Ka soo saarida isbitaalka hanaanka daaweyntiisa iyo waqtiga iyo qarashka ku baxayo (qiyaas ahaan)

3. Usoo saarida bukaanka dal ku gal caafimaad

4. Usoo saarida dal kugal caafimaad qaraabada bukaanka ku wehliso safarkiisa caafimaad

5. Usii diyaarinta balamihii lakulanka dhakhtarka ee isbitaalka

6. Usii qabashada/ usii buukimada meel ay degaan

7. Soo dhoweyn diiran oo si lacag la’aan ah bukaanka iyo cidii wheliso looga soo qaadayo gegida diyaaradaha.

8. Usii diyaarinta turjubaan soomaali ah dumar ama rag kii uu bukaanku u baahanyahay oo aad ugu tababa baran arimaha caafimaadka iyo ilaalinta ama xafidida sirta.

9. Ka caawinta bukaanka wax alaale iyo wixii adeeg ah ee ow uga baahdo wadanka gudihiisa.

Waxaan idinkugu baaqeynaa in aad ogaataan sida loo helo iyo meelaha laga helo caafimaad aad tayo wanaagsan kii aad ubaahneed oo qiimo jaban.

Waxaan dadaal dheer kadib ku guuleysanay in aan idiin helno xarumo heer caafimaad nuucyadii ugu sareeyey oo idiin horseedayo mustaqbal dhab ah, xarumadaan caafimaad oo aad u fara badan ayaa leh dhamaan takhasusaatka cudurada kajira dunida. Xarumadaan caafimaad ayaa waxaa diyaar kuugu ah dhaqaatiir leh takhasuusaat kala duwan oo heercaalamiya, kuwaas oo adeegsanayo qalab casri ah kii aduunka ugu danbeeyey manta.. xarumadaan waxaa kamid ah:

ü xarunta daaweynta cudurada lafaha iyo kalagoysmanka tii ugu wanaagsaneed koonfur bari aasiya

ü xarunta daaweynta madhaleysnimada iyo adkaanshaha dhalmada

ü xaxrunta daaweynta cudurada ku dhaco kaadimareenka iyo xubaha taranka

ü machad ay leeyihiin dhaqaatiir ku takhasustay daaweynta cudurada ilkaha

ü xarunta daaweynta cudurada ku dhaco dheefshiidka iyo baarka

ü xarunta daaweynta cudurada dumarka iyo dhalmada

ü xarunta daaweynta cudurada maskaxda iyo neerfaha

ü xarunta daaweynta cudurada dhegaha, sanka iyo dhuunta

ü xarunta daaweynta cudurada sonkorta iyo qanjirada

ü xarunta qaadida baaritaano caafimaad oo dhameystiran

ü xarunta beerida dhuuxa ku dhex jira lafta

ü xarunta qaliinada isqurxineed

ü xarunta daaweynta cudurada maqaarka

ü xarunta daaweynta cudrada wadnaha iyo dhiig mareenada

ü xarunta daaweynta cudurada caruurta

ü xarunta dhimista cayilka ama shuluqnimada

ü xarunta daaweynta cudurka kansarka

ü waxaa intaasi dheer xarunta soocelinta bakaarada,iyo xoojinta, weyneynta ama dheereynta xubinta taranka ee raga

ü qeybta xaalada deg-dega ah oo 24 saac heygan kuu ah

Waxaad sidoo kale helaysaa adeegyadaan hoos ku qoran inta aad ku sugantahay xarumada aan kor ku kusoo xusnay ee caafimaad.

ü baxnaanin caafimaad tii ugu wanaagsaneed iyo adeegyo kale oo bini-aadannimo

ü adeeg turjubaannimo oo aad u tayo sareeyo

ü shaqaale caafimaad oo takhasuskooda ay u wehliso qibrad dheer oo dhaxalgal ah

ü makhaaxiyo carbeed oo kuula diyaar ah cunto xalaal oo tayo wanaagsan

ü hoteelo iyo shukhooyin firaashka loo dhameystiray

ü qiimo jaban oo macquul ah

ü xarumo loo khaas yeelay in ay ku cibaadeystaan dhumarka iyo raga muslimka

ü adeeg lacag la’aan ah lagaaga caawinayo dhinaca socdaalka g udaha

ü iyo adeegyo kale oo dalxiis

fiiro gaar ah: xarumaha caafimaad oon kor kusoo xusnay waxaa laga yabaa in aadan kawada helin hal isbitaal, waxaan ku soo helnay cilmi baaris iyo daraasadeyn dheer aan ku sameynay dhamaan isbitaalada kajira wadanka-si aan dadkeyna ugu helno caafimaad tayo wanaagsan oo ay ku diirsadaan.

adeegyada caafimaad oo aan kuu qabaneyno uma sheegeyno xitaa ehelkaada hadii aadan adigo inoo idmin.Sababtoo ah Xafidida ama Ilaalinta sirtaadu waa wax agteyna ku weyn.

Alle Megan waxay xilli kasta diyaar kuula yihiin gacmo furan iyo adeeg huffan.


Lix sababoo oo kuugu dhiira galinaya inaad thailand caafimaad u imaato

Sida ilma caafimaad qaba loogu beero uurka hooyada

 


Sida lugaha loogu toosiyo qofka ku dhasha curyaan nimada